Ciidamada Itoobiya oo qabsaday Magaalo weyn oo ku taalla gobolka Tigray

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ayaa qabsaday magaalada taariikhiga ah ee Adwa oo ku taalla gobolka lagu hardamayo ee Tigray, sida uu sheegay hawlwadeen arrimaha bani’aadaminimada qaabilsan maalintii Axadii.

Arrintan ayaa imanaysaa iyadoo wadaxaajoodyada nabadeed la filayo inay yeeshaan dhinacyada dagaalamaya ay ka furmayaan dalka Koonfur Afrika.

WAR-SAXAAFADEED KA SOO BAXAY DOWLADA ITOOBIYA AYAA U QORNAA SIDATAN:-

Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya ayaa sii waday la wareegidda xarumaha waa-weyn ee magaalooyinka dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay. Ciidanka Difaaca Qaranku waxay ku guulaysteen in ay ka fogaadaan dagaal ka dhaca magaalooyinka iyada oo ay wiiqeen awoodii ciidan ee kooxda TPLF.

Dowladda Itoobiya ayaa kala shaqaynaysa isku xirka hay’adaha samafalka si ay u sii wadaan gargaarka bini’aadantinnimo ee deegaannadaas. Waxa ay sida oo kale dowladdu ka codsatay hawlwadeennada adeegyada muhiimka ah in ay dardargeliyaan, diyaargarowgana ay dib ugu billaabayaan adeegyadii goobahaas.

Dowladdu waxay sida oo kale sahminaysaa siyaabaha maamulka guud iyo adeegyada bulshada ee deegaannadaas ay ku billaabi karaan, iyada oo la tashanaysa dadka Deegaanka. Dhanka kale, dowladda Itoobiya ayaa ka qeybgalaysa shir-nabadeed oo uu hagayo Midowga Afrika oo lagu qabanayo Koonfur Afrika.

Dowladda Itoobiya ayaa wadahadallada u aragta fursad si nabad ah lagu xallin karo iskudhaca iyo in la adkeeyo wanaajinta xaaladda dhulka ee lagu keenay naf huridda.

Wafdiga dowladda matalaya ayaa u ambabaxay dalka Koonfur Afrika.

14, Tikimti, 2015-ka t.i.
Addis Ababa

- Advertisement -