Allbanaadir.com
NEWS

Fallaagada OLA oo dad ka badan boqol qof ku dishay Itoobiya iyo Xawaale Wadareed la helay

Ciidamada daacada u ah fallaagada la magac baxday ciidamada Xoraynta Oromada (OLA) ayaa lagu eedeeyay in dad badan oo shacab ah ku laayeen qeybo kamid ah ismaamulka Oromada ee Itoobiya.

Maamulka gobolka Oromada ayaa ku eedeeyay in fallaagada OLA dad gaaraya 160-qof shacab ah ku dileen deegaano katirsan gobolka Oromada, waxa ayna maamulka sheegeen in 87-qof oo dadkaasi meydadkooda laga helay goob xawaale wadareed lagu aasay.

Guddomiyaha deegaanka galbeedka Oromia, Ibsa Basha, ayaa sheegay in meydadka laga helay degmada Gidami, kadib markii ciidamada dowladdu ay jabhadda ka saareen deegaannadii ay maamulayeen.

Fallaagada OLA oo sanadkii hore isbaheysi la sameesatay jabhada TPLF ee maamusha gobolka Tigrey ee ka dagaalanta deegaanada Oromada, waxa ayna jabhadan marar badan beenisay in ay dilaan dad shacab ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada meydadka laga helay keynta Shakhola oo sii korortay iyo dad hor leh oo la xiray

Cabdi Cade

Faysal Cali Waraabe: “Xoog iyo xeelad mid ay ahaataba Waa inaan soo celinaa Laascaanod”

Caydiid Ali

Xukun dil ah oo saakay lagu fuliyay ninkii dilay Bootaan Maxamed Bootaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---