Halyeeyadii hore ee Kubada Cagta Afrika ee ka soo ciyaaray horyaalada Qaarada Yurub ee tartamada caalamiga ah oo booqasho taariikhi ah ku jooga Magaalada Muqdisho ayaa booqasho & Dukaameysi utagey Suuqa casriga ah ee Hayat Market oo ah Super market-ka ugu weyn uguna casrisan Soomaaliya.
Xiddigii hore ee kooxda Barcelona haatanna ah Madaxa xiriirka kubbadda cagta Cameroon, Samuel Eto’o, halyeeygii xulka Qaranka Nigeria, Jay-Jay Okocha iyo weeraryahnakii hore ee xulka Qaranka dalka Togo Emmanuel Adebayor ayaa ka soo dukaameystay qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay suuqa Hayat Market.
Waxaa Xidigahan caalamiga ah booqashooda Suuqa ku wehliyey masuuliyiin ka tirsan dowlada Somalia oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka dhalinyarada & Isboortiga Maxamed Cabdiqaadir Cali, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Somalia Mudane Cali Cabdi Maxamed (Shiino) iyo xubno kale, waxaana halkaas ku soo dhoweeyey howlwadeenada Suuqa Hayat Market.
Halyeeyadii hore ee kubda cagta Afrika ayaa ayaa si weyn ula dhacay tayada iyo baaxada Suuqa Hayat Market oo ay sheegeen ineysan fileyn in noociisa oo kale laga heli karo dal sidii Soomalia oo kale ah oo ka soo kabaneya burbur iyo dagaalo, iyagoo xusay inuu yahay Suuq casri ah oo la mid ah, lana tartami kara Suuqyadii noociisa ah ee qaarada Yurub.
Xiddigaha Afrika ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed horumarka ay ku talaabsadeen iyo sida ay u aamineen una maalgashadeen dalkooda hooyo, taasoo ay sheegeen iney ka turjumeyso wadaniyadooda iyo sida ay u jecel yihiin iney ugu adeegaan bulshadooda, waxayna Somalia u rajeeyeen horumar intaan ka wanaagsan.
Xidigahan ayaa qeyb ka ahaa wafdi ka socda xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo qiimeynaya xaalada amniga iyo sida Somalia diyaarka ugu tahay iney marti geliso tartamada caalamiga ah.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA