Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa ku booqday cisbitaalka AAR Kiambu Hospital Nairobi qoyska Marxuum General Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan) oo maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Madaxweynaha waxaa booqashada ku wehelinayay Wakiilka Puntland ee Kenya Maxamed Axmed Fagalade, iyagoo qoyska uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timi Allah ha u naxariistee General Moorgan, oo waddankiisa muddo dheer usoo shaqeeyey.
Qoyska uu Madaxweynuhu la kulmay waxaa ka mid ahaa, General Maslax Maxamed Siyaad Barre, xaaskii marxuumka marwo Canab Maxamed Siyaad iyo wiilka marxuumku dhalay Samatar Maxamed Saciid Moorgan.
Madaxweynuhu wuxuu uga tacsiyeeyey geerida marxuumka, isagoo Alle uga baryay inuu u naxariisto, jannadii Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka iyo shacabka Soomaaliyeed-ba samir iyo iimaan ka siiyo.