Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ruushka oo Mareykanka ku eedeeyey inuu si toos ah ugu biiray dagaalka Ukraine

Ruushka ayaa markii ugu horraysay Mareykanka ku eedeeyay inuu si toos ah ugu lug leeyahay dagaalka ka socda Ukraine,

Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga Moscow ayaa sheegay in Mareykanka uu ciidamada Ukraine u calaamadaynayay meelaha ay ku garaacayaan gantaallada uu Mareykanka sameeyay ee Himars.

Gantaalaha Himars waa hub ay ka dhacaan gantaallo wadar ah oo lagu beegsan karo bartilmaameedyo fog oo gaaraya ilaa 70km (45 miles). Waxay gaaraan meelo aad uga fog masaafaha ay gaari jireen gantaallada ay Ukraine horay u haysatay.

Gen. Igor Konashenkov ayaa sheegay in Ruushku uu helay xogta wicitaanno dhex maray saraakiil reer Ukraine ah oo fashilaya xiriirka u dhaxeeya labada dhinac.

Ruushka ayaa horay ugu eedeeyay Washington in ay Ukraine ka waddo dagaal ay gacan kale u adeegsanayso.

Afhayeenka Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa qiray inay Ukraine siiyeen xog faahfaahsan, si ay uga caawiyaan fahamka halista ay wajahayaan iyo inay waddankooda ka difaacaan gardarrada Ruushka.

 

 

Related posts

Qabanqaabo lagu soo dhoweynayo Raisul Wasaaraha Somalia oo ka socota Kismaayo

Caydiid Ali

TPLF oo xaalku ku xun yahay & ciidanka Itoobiya oo Magaalooyin cusub qabsaday

Caydiid Ali

DF oo shaacisay arrin cusub oo lagu kordhiyey dabaaldegyadii maalmaha Xoriyadda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---