Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la kulmay Taliyaha Ciidanka Difaaca Dowladda Talyaaniga, General Luciano Portolano, iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Pier Daccò Coppi.
Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka difaaca, kor u qaadidda tayada iyo tababarada. Ciidamada Xoogga Dalka (CXD), iyo adkeynta doorka taageerada joogtada ah ee Dowladda Talyaanigu ay ka qaadato dagaalka ciribtirka kooxaha argagixisada ah.
Wasiir Axmed Fiqi, ayaana uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso ciidanka xoogga Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca tababarada iyo qalabeynta, waxa uuna ka codsaday in Talyaaniga halkooda kasii wadaan taageerada ay siiyaan ciidanka Soomaaliya.
Dowladda Talyaaniga, ayaa kmaid ah dowladaha taageerada ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana Talyaaniga magaalada Muqdisho ka jooga saraakiil iyo ciidamo taageero siiya ciidanka xoogga dalka , gaar ahaan dhinaca tababarka iyo horumarinta ayey ciidanka ka caawiyaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com