Allbanaadir.com
NEWS

Xukun dil ah oo maanta lagu riday Cabduqaadir Xaaji Yuusuf

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa maanta xikun dil ah ku riday dable xoogga Cabdiqaadir Xaaji Yuusuf, oo lagu helay dilka saaxiibkiis kala tirsanaa ururka 222 aad, guutada 22aad ee booliis milataara Marxuum Ex dable xoogga Ismaaciil Xasan Ibrahim (Macawiisleey).

Dilkaan askarigan geestay ayaa ka dhashay muran ka billowday xabad sigaar ah, waxaana uu ka dhacay xerada dhista ee kutaalla xaafafa Siisii ee degmadda Deyniile, 17 kii bishii Febraayo ee sannadkan 2025.

Baaris dheer kadib xafiiska xeer ilalinta ciidamada qalanka sida ,ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday 13 kii bishaan .

Garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay dable xoogga C/qaadir Xaaji Yuusuf dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Ex dable Xoogga Ismaaciil Xasan Ibrahim Macawiisleey.

G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute, oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa ku dhawaaqay xukunkan, waxa uuna sheegay xukunsanaha in uu kiiskan racfaan ka qaadan karo.

Related posts

Ciidamada Maamulka Jubbaland oo Al-shabaab kala wareegay degaan cusub (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo ka hor yimid qorshaha Israel ku weerarayso degmada Rafah

Caydiid Ali

Maraykanka oo ka fiirsanaya taageerada ciidanka Danab ka dib dagaalkii Guriceel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---