Allbanaadir.com
NEWS

Tahriibayaal Soomaaliyed oo ku dhamaaday Badweynta Atlantic

Ugu yaraan 20 tahriibayaal Soomaali ah ayaa ku dhintay Badweynta Atlantic. xilli ay isku dayayeen in ay ka gudbaan halkaas iyaga oo ku sii jeeday magaaladda xeebeedda Palma ee dalka Spain

Waxaana la badbaadiyay labo dhallinyaro ah oo kaliya ah sida ay sheegtay Warbaahinta dalka Spain.

Doontan oo ay saarnaayeen in ka badan labaatameeyo qof oo ka soo jeeday Maamul Goboleedyada Puntland & SSC Khatumo ayaa la helay, kadib markii ay badda ku jireen maalmo dhowr ah kuwaasoo ka cararay shaqo la’aan baahsan iyo fursado la’aan ka jirta dalkooda.

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa aad u kordhay tahriibayaasha ka baxaya dalka Soomaaliya, taasoo ka dhalatay shaqo la’aan baahsan, dhaqaale xumo iyo rajo la’aan joogto ah oo dhalinyaradda Soomaaliyeed dalkooda ka muujiyeen.

Dhacdadan murugadda leh ee maanta ka dhacday Badda Atlantic-ga ayaa waxa ay daba socotaa tii ugu dambaysay ee masiibadda ahayd ee billo ka hor ka dhacday biyaha Badweynta Hindiya gaar ahaan meel u dhow dalka Madagascar, halkaasoo ay ku dhinteen 24 tahriibayaal Soomaaliyeed ah

Related posts

Diyaarad gaar ah oo saakay magaalada Muqdisho keentay Fahad Yaasiin

Cabdi Cade

Villa Soomaaliya oo Xildhibaano ka dhigeysa xubno kamid ah Xoogaga Wadaniyiinta !!

Cabdi Cade

Booliiska oo Muqdisho ku qabtay Nin dil argagax lahaa u geestay Imaam Masaajid

Cabdi Cade
Taboola Ads ---