Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Ciidanka Milatariga Talyaaniga oo Muqdisho soo gaaray

Taliye Ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka ahna ku simaha Taliyaha CXDS, Jeneraal Maadey Nuurey Sheekh ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Wafdi saraakiil ah oo uu hoggaminaayo Taliyaha Ciidanka Milatariga Dowladda Talyaaniga  Generaal Luciano  Portolano.

Soo dhoweyn kadib labada dhinac ayaa kawada hadlay iskaashiga labada Ciidan ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Generaal Luciano  Portolano ayaa bogaadiyey guulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka waxa loogu yeeray argagaxisada iyo xaqiijinta amaanka dalka.

Waxaa uu sheegay inuu magaalada Muqdisho u yimid sidii xoojin lahaa iskaashiga Ciidamada talyaaniga iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada tababarada iyo is dhaafsiga khibradaha dagaalka.

Taliyaha Ciidanka Milatariga Dowladda Talyaaniga  Generaal Luciano  Portolano ayaa mudado uu joogo magaalada Muqdisho waxaa uu la kulmi doonaa madaxda sare ee DF iyo saraakiisha ciidanka.

Related posts

Duqa Muqdisho oo Daahfuray qaadista Imtixaanaadka Dugsiga Dhaxe (Sawirro)

Cabdi Cade

Booliiska Muqdisho oo soo bandhigay rag Shacabka dhibaato ku hayay oo la qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Mohamed Bin Salman oo safarkiisii ugu horeeyey dibeda ku aaday ka dib dilkii Khashoqgi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---