Mareykanka oo ka hor yimid qorshaha Israel ku weerarayso degmada Rafah

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa Axaddii sheegay in aysan weli arag qorshe “lagu kalsoonaan karo” oo ka yimid dowladda Israa’iil oo ku aaddan sidii ay u difaaci lahayd boqollaal kun oo rayid ah oo ku sugan koonfurta Qaza haddii ay horay u sii waddo howlgallada militari ee ballaaran ee ka socda magaalada Rafah.

“Ma taageeri doono, mana taageeri karno, hawlgal ka Rafah oo aan lahayn qorshe la fulin karo, la xaqiijin karo, oo lagu daryeelayo 1.5 milyan oo qof oo isku dayaya inay gabaad ka helaan Rafah,” ayuu yiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka John Kirby

Kirby waxa uu sheegay in dawladda Israa’iil ay sheegtay in ay hayaan qorshe daadgureynta oo loogu magac daray “Jasiiradaha bini’aadan-tinimada” balse Maraykanku waxa uu furan oo kaliya inuu taageero “qorshe kasta oo la aamini karo oo lagu daryeelayo dadkaas. Laakiin weli maanu arag” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa imaanaya ka dib markii ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu sheegay goor hore oo Axad ah qorshaha hawlgalka Rafah la ansixiyay laguna dhaqaaqayo.

Walaac caalami ah ayaa ka dhashay talaabada ay damacsan  tahay Israel Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo hay’adaha kale ee gargaarka ayaa qeylo dhaan ka soo saaray duulaanka Rafah, iyagoo sheegay in Falastiiniyiinta halkaas gabaad ka dhiganaya ay mar hore ka soo barakaceen meelo kale oo haatan go’doonsan aysana haysan meel ammaan ah oo ay u guuraan.

- Advertisement -