Maraykanka oo ka fiirsanaya taageerada ciidanka Danab ka dib dagaalkii Guriceel

Dowlada Mareykanka ayaa shaacisay inay ka fiirsanayaan taageerada ay siiyaan Ciidanka Kumandoska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab.

Arrintan ayaa ka dambeysey kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in Ciidamo ka tirsan Danab ay ka qeybgaleen dagaalada ka socda magaalada Guriceel kuwaasoo u dhexeeya ciidamada Galmudug oo taageero ka helaya ciidamada xoogga dalka iyo kuwo taageersan Ahlu-Suna..

Sarkaal ka tirsan safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegey inay la socdaan wararka sheegaya in ciidamada Danab ay ku lug lahaayeen dagaalka Galmudug.

“Waxaan kale oo aragnay warar ay warbaahintu ka qortey in taliye Cabbdilatiif Fayfle iyo askar kale oo ka tirsan dhinacyadii dagaalmayey lagu diley dagaalka” ayuu intaas ku daray sarkaalka.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu xusey in Mareykanku ay siiyaan tababaro iyo taageero kaleba ciidamada xooga dalka qeybtooda Danab si ay u gaaraan hadafka ay wadaagaan ee ah sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab.

“Anagoo eegayna dagaalkii Guriceel waxaan dib u eegi doonaa taageerada aanu siino ciidanka Danab, si loo xaqiijiyo in taageeradaas loo adeegsado siyaabo ku haboon kuna qaabeysan siyaasadda iyo ujeedooyinka Mareykanka” ayuu yiri sarkaalkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -