Netanyahu, ayaa isku diyaarinaya inuu amro weerar ay Israa’iil ku qaado Iran, saacadaha iyo maalmaha ina soo aadan, sida uu ku warramay wargeyska New York Times oo xiganaya saraakiil Israa’iil iyo Mareykan ah.
Horraantii, toddobaadkan Trump , ayaa uga digay Netanyahu inuu weerarro Iran, inta lagu jiro wada-xaajoodka barnaamijka nukliyeerka ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Iran, balse natiijo kasta oo ka soo baxa wada-xaajoodka, wuxuu doonayaa Netanyahu inuu weerarro Iran.
Wargeyska New York Times, wuxuu soo bandhigay inuu Netanyahu ka dharagsanyahay weerar uu ku qaado Iran, inuusan wax khasaare ah gaarsiin karin xarumaha dhulka hoostooda ku yaalla ee nukliyeerka Iran, balse taa beddelkeeda wuxuu qorsheynaya inuu dagaalka ku soo jiido Iran oo uu ku khasbo inay ka jawaabto weerarrada Israa’iil oo ka dhici kara caasimadda Tehran iyo magaalooyinka waa weyn, taa oo markaa ku riixeysa inuu Mareykanka difaaco Israa’iil oo ay ku xigto weerar wadajir ah oo ay Israa’iil helayso taageerrada Mareykanka oo wax gaarsiin kara xarumaha nukliyeerka inay ku qaado Iran.
Trump, wuxuu fahansanyahay in dagaal lala galo Iran ay noqonayso mid xannibaysa Mareykanka iyo qorshihiisa uu ku cadaadinayo quwadaha kale oo Shiinaha ugu horreeyo, taasoo ka dhigan fikrada Netanyahu mid aan shaqeynin.