Allbanaadir.com
NEWS

Generaal Morgan oo goordhaw ku geeriyooday dalka Kenya

Waxaa goordhaw magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ku geeriyooday Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya Xukuumadii Kacaanka Jeneraal Maxed Xirsi Morgan.

Ehelada Jeneraal Morgan, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in uu Nairobi ku geeriyooday, waxa ayna sheegeen in uu u geeriyooday xanuuno uu maalmahan la jiifay.

Jeneraal Morgan oo deegaan ahaan kasoo jeeda Puntland ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadii Kacaanka uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre, waxa uu sidoo kale u dhaxday gabar uu dhalay Siyaad Barre.

Madax kala duwan , siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Jeneraal Morgan, waxa ayna ilaah uga baryeen in dambigiisa dhaafo uguna bishaareeyo jannadii fardowso.

Related posts

Aadan Madoobe oo diiday qabashada Mooshinkii loo geeyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay dhigiisa Felix Tshisekedi (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) Qaar ka mid ah Madaxda beri ka qeyb galeysa Xaflada Caleema saarka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---