Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Maamulka Jubbaland oo Al-shabaab kala wareegay degaan cusub (Daawo Sawirro)

Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland oo garab ka helaya kuwa Xoogga dalka ayaa saaka Waaberigii weeraray Saldhigyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Wirkooy ee gobolka Jubbada hoose.

Saraakiisha hogaamineysa ciidamada ayaa sheegay in howlgalkaas uu ahaa mid qorsheysan oo lagu beegsaday xarumo ay isku aruursanayeen Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Jubbaland ee degaanka Buulogaduud ayaa sheegay in howlgalkan uu suurtageliyay in ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliya ay dagaal kula wareegaan degaanka Wirkooy.

Waxaa uu intaas ku daray in labada dhinac uu dhexmaray dagaal ay khasaaro ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla markaana dhankooda uu kaga dhaawacmay hal Askari sida uu hadalka u dhigay.

Al-Shabaab ayaan ka hadlin weerarkan ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalku sheegeen iney kaga qabsadeen degaanka Wirkooy, waxaana aad u adag in warar madax banana laga helo degaankaas iyo degaanada ku dhow isgaarsiinta oo liidata awgeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Soomaaliya oo ku dhintay Qaraxii Muqdisho

Cabdi Cade

Firdhiye oo dhagax dhigay Mashruuc ay DF maalgelineyso

Caydiid Ali

Abshir Bukhaari oo sheegay inuu dacwad ka furayo dhalinyarada DF u qaaday Eritreya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---