Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil oo duqeeyay garoonka diyaaradaha ee Sanca
“Waxaan mar kasta dib u burburin doonaa garoonka diyaaradaha ee Sanca. Ciidanka cirka ayaa burburiyay diyaaraddii ugu dambeysay ee ay haysteen Xuutiyiinta” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Israa’iil Yisrael Katz
Diyaaradaha aan ku duqeynay garoonka diyaaradaha ee Sanca waxaa Xuutiyiinta u isticmaali jireen inay ku qaadaan kooxo argagixiso oo ka qeyb qaatay weerarro ka dhan ah Israa’iil.
Waxaan go’aansanay inaan sii wadno howlgalka iyo duqeymaha aan ku beegsaneyno cid kasta oo khatar ku ah Israa’iil, meel kasta oo ay joogaan”
Yuhuudda oo quus ka joogta ka hortagista gantaaladda Xuutiyiinta ay sida joog tada ah ugu tuurayaan kuwaasoo go’doon geliyay garoonka Ben Gurion iyo dekeddeheeda kuna qasba dadkeeda in ay u cararaan gabbaadyada ayaa cadaadiska carada shacabka ku khafiifisa duqaynta madaarka Sanca iyo dekedaha.