Wafdi ka socda Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA, ayaa la filayaa iney maalinta beri ah booqasho ku yimaadaan magaalada Muqdisho caasmada Somalia.
Waxaa qeyb ka ah wafdigan ciyaaryahanno hore oo Afrikaan kana soo cayaaray horyaalada qaarada Yurub iyo kuwa caalamiga ah.
Waxaa ka mid ah xiddigii hore ee kooxda Barcelona haatanna ah madaxa xiriirka kubbadda cagta Cameroon, Samuel Eto’o, halyeeygii xulka Qaranka Nigeria, Jay-Jay Okocha iyo weeraryahnakii hore ee xulka Qaranka dalka Togo Emmanuel Adebayor.
Waxaa lagu sheegay ujeeddada booqashada mid lagu horumarinayo kubadda cagta Soomaaliya iyo iney qiimeeyaan in xaalada amniga ay saamaxeyso in Somalia ay tartamada caalamiga ah gurigeeda kula ciyaari karto xulalka kale Afrika iyo Carabta.
Waxaa magaalada Muqdisho ka socota qabanqaabo xoogan oo lagu soo dhoweynayo wafdigan kaasoo ay wado Wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumada Somalia iyo xiriirka kubada cagta Somalia, iyadoo wafdigan uu yahay kii ugu sareeyey ee FIFA u soo dirto Somalia muddo 35 sano ah.