Ciidamo ka tirsan NISA oo caawa weeraray xarun Telefishin oo ku taalla Muqdisho

Ciidamo la sheegay iney ka tirsan kuwa Nabad sugida Somalia ayaa la sheegay iney caawa galeen xarunta Telefishinka Somali Cable ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu markii ay galeen xarunta ay jirdileen weriye iyo kaamerman ka tirsan shaqaalaha telefishinka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay maamulka Telefishinka Somali Cable.

“Caawa Abaare 9:00 Habeenimo ayaa waxaa ilaalada Telefeshinka ay ka shakiyeen Dhalinyaro fadhisay ilinka hore ee Xarunta Telefeshinka ka dib ayaa waxaa dhacday inay isku dhaceen dhalinyaridii iyo ilaalada Telefeshinka, Daqiiqado ka dib ayaa waxaa goobta yimid oo gudaha Xarunta soo galay Ciidamada Nabad Sugida ee degan Godka Jilacow iyagoona jirdilay Weriye iyo Cameraman ka tirsan Shaqaalaha Somali Cable” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay maamulka Telefishinka Somali Cable

“Maamulka Telefeshinka Somali Cable waxa uu cadeynayaa in intaas wax ka baxsan aysan ka dhicin Xaruunta Telefeshinka, Xaalkana hada waa dagan yahay mana jiro wax dhibaato ah oo kale oo Telefeshinka xiligan ka taagan” ayaa lagu soo gebagebeeyey qoraalka uu soo saaray maamulka Somali Cable.

Lama oga weli sababta ay ciidamadaasi ugu duuleen xarunta warbaahinta, mana jiro illaa hadda war laamaha amaanka DF ka soo saareen dhacdadan oo sidoo kale aan laga helin faahfaahin intaas ka badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -