Allbanaadir.com
NEWS

Israa’iil oo diiday heshiis xabbad-joojin ah oo ay Xamaas ogolaatay

Maamulka arxanka daran ee Israa’iil ayaa diiday heshiis xabbad-joojin 60 maalmood ah oo ururka Xamaas uu oggolaaday, kaddib wada-hadallo ay la yeesheen ergeyga Mareykanka ee bariga dhexe, Steven Witkoff oo ku sugan magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar.

Heshiiska ayaa dhigayay inay Xamaas sii deyso 10 maxbuus oo Israa’iiliyiin oo ay ku beddelanayso maxaabiis Falastiiniyiinta ah , kun baabuur oo gargaar sida inay maalintii galaan Qasa iyo inay ciidanka Israa’iil ka baxaan marinka Qasa,

Diidmada Israa’iil ee heshiiska  oo ka dhigaysa muddo dheer oo hakad uu ku jiray wada-xaajoodyada, hadda inay Israa’iil burburisay soo jeedinta ka timid dowladda Mareykanka ee ay oggolaatay Xamaas, sida ay werisay Al Jazeera.

Ciidamada Israa’iil, ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhisay xasuuqa ay shacabka ugu geysanayaan magaalada Gasa, waxa ayna taasi keentay in waddamada reer Galbeedka ee horey u taageersanaa Israa’iil ay qeyliyaan si adagna ugu cambaareeyaan Israa’iil sida arxanka daran ee shacabka u xasuuqeyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharax Madaxweyne oo ka hadlay xil ka qaadistii uu sameeyay Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade

ATMIS oo saldhigoodii Maxaas ku wareejisay Ciidanka Xoogga (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawiradii u dambeeyey Ismacil Haniya saacado ka hor dilkiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---