Xilli uu maanta oo Isniin ahayd uu dalka Kenya uu safar ku tegay madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, waxa soo baxay xogo kala duwan oo ay Kenya kaga fal celisay iyo arrimo toos u muuqda oo maanta dhacay.
Ugu horrayn Kenya warqaddii koowaad ee ay ka soo saartay safarka madaxweynaha waxa ay ku sheegtay in ay ilaalinayso midnimada Soomaaliya balse ay xidhiidh ganacsi la samaynayso dhinacyada ay Somaliland ka mid tahay.
Markii uu madaxweyne Cirro gaarey magaalada Nairobi waxa loo soo dhoweeyey si maqaam dawladeed ah waxana garoonka diyaaradaha loo dhigay roog cas, halka soo dhowayntiisina uu safka koowaad kaga jirey Wasiirka Macdanta iyo Dhaqaalah Buluug ah Xasan Cali Joho, kaas oo ka mid ah dadka sida weyn ugu dhow madaxweyne Ruto.
Mar kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya oo war soo saartay waxay sheegtay in ay Somaliland siisay ogolaanshaha xafiis ay ku yeelato Nairobi balse la joojiyey xaflad xafiiskan berri loo qaban lahaa si xadhiga looga jaro.
“Somaliland xafiis siyaasadeed Kenya Kama furan karto waxay la mid tahay sida maamul goboleedyada kale oo keliya ka dhexeeya xiriir Ganacsi , Amni Iyo hormarinta Shaqaalaha Iyo maalgashiga” Majirto wax xuquuq diplomatic ah ama Xasaanad uu lee yahay Xafiiska la sheegey in beri nairobi laga furi doono mana haysto wax ogaasho Diplomaasiyeed ah oo ay siisey Dowladda Kenya” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaarada arrimaha dibeda Kenya
Kenya, dhinac waxa ay soo dhowayn meeqaam sare leh u samaysay madaxweyne Cirro halka dhinac kale ay qaadday arrimo ay kaga dhuumanayso in ay cagaha la gasho buuq diblumaasiyaadeed oo uga yimaadda dhinaca Soomaaliya.
Sababta waa inay Kenya hadda dhexda ugu jirto xiisad ka dhalatay xidhiidhka ay la leedahay kooxda ka dagaallanta dalka Suudan ee RSF taasoo gaadhey in ay safaaradaha kala qaataan Nairobi iyo Khartuum.
Kenya, waxa ay ku dedaalaysaa in ay laba shinbirood hal dhagax ku wada disho oo ah in ay madaxweyne Cirro roog cas ku soo dhowayso, Wasiirro u dirto, liisan xafiis u ogolaato, la samaysto xidhiidh toos ah, sii waddo in Passport-ka Somaliland lagu helo Visaha Kenya iyo weliba in ay dhinaca kale iska ilaaliso dareen ka yimaadda dhinaca Soomaaliya, maaddama oo ay Soomaaliya tahay suuqa ugu badan ee ay u iib geyso qaadka Miirooga oo ah laf dhabarta dhaqaalaha Kenya ee waddamada jaarka ah ay la wadaagto.
Xuseen Xassan Muraad
Mogadishu