Allbanaadir.com
NEWS

Lacagta la siinayo dadkii Ehelkooda ku dhinteen weerarkii Liido oo la shaaciyay

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ahna guddoomiyaha guddiga Gurmadka qaran ee weerarkii xeebta  Liido Faarax Sheekh Cabdulqadir, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA ku shir Guddoomiyay kulanka guddiga gurmad qaran.

Shirkaan ayaa intii nuu socday looga hadlay xaalada ay hadda ku sugan yihiin qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii xeebta Liido , waxa ayna guddiga isla garteen in la garabsiiyo dadka dhaawacyada qaba oo qaarkood wali isbitaallo ku jiraan.

Guddiga ayaa sidoo kale isku raacay in lacag min 2,000 oo dollar la siiyo qoysaska ehelladooda ku waayay weerarkii xeebta Liido, kuwaas oo haatan inta la xaqiijiyay gaaraysa dhimashadooda 41 ruux ,balse inta la hubiyay ee lacagta la siinayo ayaa ah 31 qof ehelladooda kuwaas oo maray habraacyada hay’adda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa lacag ugu deeqday dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen xeebta Liido, waxaana weerarkan ku dhintay dad ka badan 41-qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, dhaawacyada qaar ayaana wali lagula tacaalayaa isbitaallo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Museveni oo cudur ku dhacay iyo dowladda oo War kasoo saartay xaaladiisa

Cabdi Cade

Madaxweyne Muuse Biixi oo Xil Muhiim ah u magacaabay Cabdi Maxamed Rodol

admin

Xogta dadka Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalka Tanzania oo la aruurinayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---