Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo digniin culus soo saartay xilli laga cabsi qabo in…

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah ugu wargelineysaa ganacsatada, kalluumeysatada, milkiilayaasha gaadiidka badda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in uu bilowday xilliga bad-xiranka, oo ah xilli ay ka jiraan mowjado iyo dabeylo xoog leh Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed. Muddadan bad-xiranka waxay socon doontaa laga bilaabo 26 May 2025 ilaa 15 September 2025.

Wasaaraddu waxay kuu wargelineysaa dhammaan dadka ay khusayso in ay digtoonaadaan inta lagu jiro muddadan, gaar ahaan doomaha yaryar, kuwa waaweyn, iyo maraakiibta cabirkoodu ka yar yahay 1,500 Metric Ton, maadaama xaaladda badda ay noqon karto mid khatar ah. Sidoo kale, shacabka waxaa si gaar ah loogu digayaa in aysan ku dabaalan badda muddadaas, si looga fogaado halis naf iyo hantiyeed ah oo ka dhalan karta xaaladaha cimilada.

Ujeeddada wargelintan waa in la ilaaliyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed iyo hantidooda, iyadoo la tixgelinayo khataraha laga filanayo xaaladda cimilada ee badda xilligan. Wasaaraddu waxay ku dhiirrigelineysaa qof walba inuu si xilkasnimo leh uga jawaabo digniintan

Related posts

Israel oo duqeysay saldhigyo ay leeyihiin ciidanka ilaalada Kacaanka ee dalka Iran

Caydiid Ali

Dal Yurub katirsan oo xiraya waddooyin ay mari jireen Tahriibayaal Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Sheekh Zakir Naik oo laga mamnuucay in Wacdi ka jeediyo Dal Muslim & Sababta keentay

admin
Taboola Ads ---