Sheekh Zakir Naik oo laga mamnuucay in Wacdi ka jeediyo Dal Muslim & Sababta keentay

Sheekh Zakir Naik oo u dhashay dalka Hindiya ayaa dhawaan xiisad iyo muran badan ka dhaliyay dalka Malaysia uu kunoolaa sanadihii ugu dambeeyay, waxaana sheekhan labo mar su’aalo weediiyay booliiska Malaysia.

Zakir Naik oo ah daaci diinta Islaamka faafiya ayaa 8-dii bisha Agoosto jeediyay khudbad muran badan dhalisay, kadib markii uu shaki galiyay daacadnimada dadka Malaysian-ka ah ee aaminsan diinta Hindu-ga iyo waliba kuwa asal ahaan kasoo jeeda dalka Shiinaha.

Dowlada Malaysia ayaa ku amartay Sheekh Zakir Naik oo kunool dalkaasi in wax wacdi ah uusan ka jeedin karin gudaha dalkaasi, waxaa sidoo kale lagu amray in uu ka fogaado wax kasta oo abuuri kara naceyb iyo khalalaase.

Asmawati Axmad oo u hadlay booliiska Malaysia ayaa sheegay in Zakir Naik lagu amray in uusan wacdi ka jeedin karin gudaha Malaysia, waxa uuna tilmaamay in amarkaasi loo soo saaray si looga shaqeeyo maslaxada iyo amniga Qaranka .

Sheekh Zakir Naik ayaa raali galin ka bixiyay khudbadii uu jeediyay uu sheegay in si khaldan loo fahmay, lamana oga saameynta ay wadaadkan wacdigiisa dadka badan ku xiran yihiin ku yeelan karto amarkan kasoo baxay dalka Malaysia uu hada kunool yahay.

Ka hadalka arrimaha jinsiga iyo diinta ayaa xasaasi ka ah Malaysia, oo ah dal Muslimiinta ay yihiin 60% ee 32-ka milyan ee ku nool. Inta soo hartay ayaa badankood ah Shiinees iyo Hindi badankood ah Hindus.

 

- Advertisement -