Nin maamule kuleej ka ahaa gobolka bariga Hindiya ku yaalla ee Odisha ayaa xabsi daa’im lagu xukumay sababo la xiriira inuu diray haddiyad bambo oo dishay nin aroos cusub ahaa iyo eeddadiis sanadkii 2018.
Maxkamad ayaa ku heshay Punjilal Meher, oo 56 jir ah, dembi dil, isku day dil, iyo adeegsiga waxyaabo qarxa oo loo aqoonsaday kiiska “bambada arooska” ee hadlal-heynta ka dhaliyay Hindiya.
Bambada, oo loo ekeysiiyay haddiyad aroos ahaan, ayaa loo diray guriga Soumya Sekhar Sahu, oo ahaa 26 jir injineer dhanka software-ka, maalmo uun kadib arooskiisa.
Markii lammaanaha ay fureen xirmada haddiyadda, way ku qaraxday – waxay dishay Sahu iyo eeddadiis, halka xaaskiisa, Reema, oo furtay haddiyadda, uu soo gaaray dhaawac halis ah.
Inkastoo ay garwaaqsatay doodda dacwad-oogaha ee ah inuu ahaa dembi “wuxuushnimo ah”, maxkamadda ayaa haddana laashay inay ku tilmaanto kiiska “ugu dhif iyo naadirsan” ee u qalma xukun dil.
Qaraxii bishii February 2018 ka dhacay Patnagarh, oo ka tirsan degmada Bolangir ee gobolka Odisha.
Dhibbaneyaasha ayaa keliya caruus ahaa shan maalmood waxayna diyaarinayeen qado markii alaabta ay soo gaartay gurigooda. Waxaa loo waday Soumya waxayna u muuqatay haddiyad aroos, oo la sheegay in laga soo diray Raipur oo ka tirsan gobolka Chattisgarh, oo u jirtay 230km (142 meyl).
Iyadoo Soumya uu soo jiiday xarig ku xirnaa xirmada si uu u furo, qarax xooggan ayaa la kacay jikada, kaasoo dilay isaga iyo eeddadiis oo 85 jir ahayd laguna magacaabayay Jemamani Sahu. Reema, oo markaas 22 jir ahayd, ayaa badbaadday waxaase soo gaaray gubasho daran, dhegaha oo dillaacay iyo tiiraanyo mahadho ah oo ay la nooshahay.
Kadib baaritaan waqti dheer qaatay, booliiska ayaa xiray Meher, oo markaas 49 jir ahaa, waa macallin iyo maamule hore oo wax ka dhigi jiray kuleej ay hooyada Soumya ka shaqeyn jirtay.
Baraayaasha ayaa sheegay in Meher uu qabay cuqdad iyo cadowtinnimo dhanka shaqada ah oo kala dhaxeysay hooyada caruuska sidaa darteedna uu u qorsheeyay weerarka. Wuxuu adeegsaday magac been ah isagoo boosto bambada uga soo diray Raipur, isagoo doortay shirkadda alaabaha qaadda oo markaas aan adeegsan kaamiradaha CCTV amaba baaritaanka alaabaha la dirayo.
Bambada oo bas uu kasoo qaaday meel 650km jirta, ayaa soo martay gacmo badan kahor inta aysan guriga caruuska iyo caruusadda gaarin. Baarayaasha ayaa sheegay inuu ahaa qalab halis ah oo dhimasho sababa kaasoo lagu soo duuduubay dun looguna talo-galay inuu qarxo marka la furo.
Alaabta qaraxa uu ku jiray waxaa ku qornaa magac been-abuur ah – waa SK Sharma oo kasoo diray Raipur. Toddobaadyo ayaa tegay iyadoo aan laga shakin. Baarayaasha ayaa baaray kumannaan codad telefoon waxayna wareysteen in ka badan 100 qof, oo uu ku jiro nin sameeyay wicid hanjabaad ah kadib meherkii Reema – balse lagama shakin.
Kadib, bishii April, warqad qarsoon ayaa gaartay madaxa booliiska gudaha.
Waxaa lagu sheegay in bambada lagu soo diray magaca “SK Sinha,” ee uusan ahayn Sharma, iyo in danta laga lahaa ay ahayd khiyaano iyo lacag.
Warqadda ayaa lagu sheegay in saddex nin ay mashruuca wadeen isla markaana ay baxsadeen, ujeedkuna ahaa muran hanti amaba jaceyl. Waxaa sidoo kale booliiska laga codsaday inuu joojiyo dhibidda dadka aan waxba galabsan.
Warqadda ayaa beddeshay baaritaanka.
Arun Bothra, oo ah sarkaal booliis oo markaas madax ka ahaa qeybta dembiyada ee Odisha, ayaa fahmay qaab-qoraalka risiidka warqadda: waxay u muuqatay “Sinha” in ka badan “Sharma.”
Markaas, qofka warqadda soo qoray wuxuu u muuqday mid yaqaanna taas – waana wax uu keliya qofka soo diray uu garan karo.
Booliiska ayaa haatan aaminsan in eedeysanaha uu qudhiisu qoray warqadda.
Hooyada dhibbanaha, oo macallimad kuleej ah, ayaa aqoonsatay qaab-qoraalka iyo habka warqadda iyo erayada la adeegsaday inay ka timid Meher, oo ahaa maamulaha kuleejka oo iyada ay beddeshay booskiisii.
Booliiska ayaa markii hore cadowtinnimada goobta shaqo ee Meher kala dhaxeysay hooyada Soumaya u aqoonsaday mid iska caadi ah. Haatan wuxuu noqday eedeysanaha koowaad.
Meher, oo haatan su’aalo la weydiinayo ayaa markii hore booliiska u sheegay sheeko aan la rumeysan karin oo ah in lagu qasbay inuu warqadda diro isagoo loo hanjabay.
Booliiska ayaa sheegay inuu mar dambe qirtay: wuxuu adeegsaday bullaleer loo isticmaalayay ciidda Hindida ee Diwali, wuxuu ku daray budada xabadda, wuxuu ka sameeyay bambo kadibna wuxuu boosto kaga soo diray Raipur isagoo adeegsanaya shirkad alaabaha qaadda.
Wuxuu sheegay inuu telefoonkiisa uga tegay guriga si aysan u qaban kaamirada CCTV mana uusan iibsan tikidka tareenka. Meher ayaa xitaa ka qeyb galay arooska iyo tacsida caruuska.
Source BBC
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com