Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uusan la dhacsaneyn dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, ka dib markii uu duqeyn ballaaran oo dhanka cirka ah ku qaaday Ukraine.
Dhaleecayn aan looga baran waayahan ayuu Trump ka dul dhacay Putin, isagoo is weydiiyey waxa baas ee helay. Wuxuuna goor dambe Putin ku tilmaamay “nin waalan”.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa goor sii horreysey sheegay in aamusnaanta Washington ee weerarka Ruushka uu dhiirrigelinayo Putin, wuxuuna ku boorriyey in Russhka la saaro cadaadis xooggan – oo ay ku jirto cunaqabateyn – si loogu dirqiyo xabad-joojin.
Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay , tiro intaas ka bandanna wey dhaawacmeen, ka dib markii Ruushku uu gantaallo iyo diyaarahada iswada ku miray Ukraine habeen saqdhexe – taas oo ka dhigan khasaarihii ugu ba’naa ee habeen qura la geysto tan iyo markii Putin ku duulay dalkaas 2022.
Dhawaaqa seeriga dhiillada ee digniinta ka bixiya weerrarda soo folleh ayaa subaxnimadii hore ee Isniinta laga maqlayey magaalooyin kala duwan oo ku yaal Ukraine.
Sida laga soo xigtey duqa magaalada Kharkiv ee dhacda waqooytiga bari ee Ukraine, Ihor Terekhov, ugu yaraan 3 qofoo u uku jiro ilmo yar ayaa ku dhaawacmay duqeyn lala beegsaday goob la degenyahay.
Madaxweyne Trump oo goor dambe oo Axaddii ah wariyeyaasha kula hadlayey gobolka New Jersey, ayaa sheegay in uu Putin yaqaannay muddo dheer, islamarkaana uu mar walba si fiican iskula jaanqaadi jireen, laakiin uusan la dhicin duqeymaha uu ku hayo.
Trump ayaa goor dambe ku qoray boggiisa Social Truth in Putin “dhab ahaantii waashay”.
“Mar walba waxaan dhihi jirey in wax uu doonayo ay tahay Ukraine oo dhan, balse uusan rabin qayb yar, waxaana muuqata in tuhunkeygi dhaboobay, laakiin haddii taasi dhacdo, waxay horseedi doontaa barburka Ruushka!”, ayuu yiri Trump oo ku gooddiyey in uu ka baaraandegayo tillaabo uu ka qaado Moosko.
Madaxweynaha Mareykanka dhaliishiisu kuma ekaan Putin, balse wuxuu dhanka kale dhaleecayn culus kula kufay Madaxweyne Zelensky oo uu ku eedeeyey in uusan dalkiisa u tureyn marka laga eego qaabka uu u hadlayo.
“Erey kasta oo afkiisa ka soo baxaa wuxuu sababaa dhibaato, mana jecli, waxaana u habboon in uu joojiyo hadallada xanafta leh,” ayuu yiri Trump oo ka hadlayey Zelensky.
Halka xulifada Ukraine ee reer Yurub ay diyaarinayaan cunqabateyn hor leh oo ay ku soo rogaan Ruushka, Mareykanku wuxuu u muuqdaa in uusan weli ka quusan waanwaantii uu ka dhex wadey labada dhinac.
Todobaadkii la soo dhaafay Trump iyo Putin waxay yeesheen wadahadal labo saacadood qaatay, kaas oo lagu gorfeynayey hindise xabbad-joojin ah oo uu Mareykanku soo jeediyey si loo soo afjaro dagaalka daba dheeraaday.
Madaxweynaha Mareykanku wuxuu sheegay in wadahadalkii khadka telefoonka ku dhexmaray isaga iyo Putin uu ahaa mid jawi fiican ku dhammaaday, wuxuuna intaas ku daray in sida ugu dhakhsiyaha badan ay ku billaabayaan gorgortan ku aadden nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda Ukraine.
Wallow ay Ukraine ogolaatay xabad-joojin 30 maalmood ah, Ruushka wuxuxu sheegay in mar ka hore loo baahna yahay in labada dhinac isla meeldhigaan arrimo mahuraan u ah nabad mustaqbalka la gaaro.
Laakiin marka laga soot ago maxaabiis todobaadkii dhawaa ay is dhaafsadeen labada dal, weli ma jiro wax la taaban karo oo laga gaarey hindisaha nabadda Mareykanka iyo waanwaantii uu Turkigu ka dhex wadey Moosko iyo Kiev.
Source Bbc