Israel oo duqeysay saldhigyo ay leeyihiin ciidanka ilaalada Kacaanka ee dalka Iran

Dowlada Israa’iil ayaa sheegtay in duqeysay fariisimo ay Iiraan ku leedahay gudaha dalka Suuriya.

Israa’iil ayaa qoraal ay soo saartay waxaa lagu sheegay in weerarka lala beegsaday saldhig ay Suuriya ku leeyihiin ciidamada gaarka ah ee ilaalada kacaanka Iiraan.

Goob-joogayaal ku sugan caasimadda Suuriya ee Dimishiq ayaa sheegay inay maqleen qaraxyo is xig-xiga.

Xukuumadda Suuriya ayaa dhankeeda sheegtay in gantaladeeda difaaca hawada ay soo rideen madaafiic lagu soo riday.

Rai’sul wasaaraha israa’iil Benjamin Netanyahu oo booqasho ku maraya dalka Chad, ayaa sheegay in dalkiisa uu leeyahay nidaam uu isugu dayayo inay ku beegsadaan fariisamaha Iiran ku leedahay gudaha Suuriya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -