Dowladda Mareykanka ayaa xabsiga dhigtay maxkamadna soo taagtay, nin dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in uu qorsheeyay in uu gubo safaaradda dowladda Mareykanka ku leedahay magaalada Tel Aviv ee caasinadda maamulka Israa’iil.
Ninkan la xiray Axadii shalay ayaa heesta dhalashada dalalka Mareykanka iyo Jarmalka, waxaana magaciisa lagu sheegay Joseph Neumayer oo 28 jir ah, waxa uuna ninkan ku eedeysayn yahay in uu isku dayay in uu galo kaddibna gubo safaarada Mareykanka ee Tel Aviv.
Saraakiisha amaanka dowladda Mareykanka ayaa sheegay in ninkan shalay lagu xiray garoonka diyaaradaha ee John F Kennedy ee magaalada New York, kaddib markii Israa’iil kasoo musaafurisay dalkeeda soona saartay diyaarad Mareykanka kusoo jeeday.
Israa’iil ayaa sheegtay in ninkan oo watay walxaha qarxa ku qabteen meel u dhaw safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv, waxaana ninkan hadda xiran baaritaanno dheeraad ah ku wada dambibaarayaasha Mareykanka, iyada oo su’aallo laga weydiinayo dambiga lagu eedeeyay.
“Eedaysanahaan waxaa lagu soo oogay inuu qorsheynayay weerar ba’an oo lagu bartilmaameedsanayo safaaradeena Israa’iil, hanjabaad dil ahna u diray muwaadiniinta Maraykanka ah, iyo nolosha madaxweyne Trump,” ayay tiri xeer ilaaliyaha guud Pamela Bondi.
Xariga ninkan ayaa imaanaya xilli maalmo kahor magaalada Washington ee caasimadda dalka Mareykanka lagu dilay lamaane u dhashay Israa’iil oo ka shaqeenayay safaarada ay ku leeyihiin Washington, waxa uuna weerarkan dhaliyay in cabsida laga qabo in weeraro kale dhacaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com