Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo xukun ku riday rag rasaas, kiimiko iyo diyaarado Drones kala gudbinayay

Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dembiyada culus ee Puntland qaybteeda gobolada Mudug iyo Cayn ayaa xukumo kala duwan ku riddey rag ku eedaysan la shaqaynta kooxaha nabaddiidka ee Daacish iyo Alshabaab.

Eeedaysanayaasha la xukumay oo ka kooban afar nin ayaa la sheegay inay gudbinayeen rasaas, kiimiko iyo diyaaradaha aan cidi wadin ee Droneska oo iibkoodu mamnooc ka yahya deegaamada Puntland.

Ugu horrayn maxkamadda 30 sano oo xarig ah ku xukuntay Cali Cabdullaahi Carab (Cali-shidaal) oo maqane ah kuna sugan magaalada Muqdisho, kadib markii lagu helay in isaga loo wadey dhammaan qaraxyada iyo qalabkaan argagixisada.

Waxaa kale oo maxkamaddu Maxamuud Daahir Maxamuud, Cabdifataax Xaashi Diiriye ku xukuntay min 10 sano oo xarig ah, iyadoo dhammaan agabkii la qabtay iyo gaarigii sidey loo xukumay maamulka Puntland.

Jaylaan Shariif Siidow oo kamid ahaa darawaladii lagu haystay kiiskaan ayaa maxkamaddu dib ugu soo celisey xorriyadiisa kadib markii uu beri ka noqday dhammaan eedihii loo soo jeediyey.

Related posts

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo goor dhow ku dhawaaqay..

Caydiid Ali

Meydadka dad 100 ku dhow oo laga helay badweynta Atlantic

Caydiid Ali

DAAWO TOOS: Munaasabada xuska 1-da Luulyo oo caawa ka socota Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---