Allbanaadir.com
NEWS

Gaadiid lagu xiray qalab ka hortagaya qaraxyada oo loogu deeqay dowlada Somalia (Daawo Sawirro)

Dawladda Talyaaniga, ayaa Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku wareejiyey Seddex Gaari oo labo ka mid ah ay yihiin BMW oo ka mid ah gawaarida ugu qaalisan Caalamka, kuwaasoo ay ku xiran yihiin  qalab fududeynayo ka hortaga Qaraxyada iyo daba galka dambiyada.

Safiirka dawladda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ku wareejiyey Documents-ka  iyo Fureyaasha Gawaaridaan, waxaana Safiirka  warbixin  uu ka siiyey Taliyaha Ciidanka Booliska qalabka ku xiran gawaaridan ee looga hortago Qaraxyada iyo daba galka dambiyada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto  Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in Gaadiidka maanta ay ku wareejisay Dawladda Talyaaniga waxbadan ay ka badali doonaan Xaaladda Amni ee magaaladda Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Laftagareen iyo Aadan Madoobe oo kawada hadlay xaalad taagan (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxkamada ciidamada DF oo xukun adag ku riday xubno ka tirsan Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaale & Fiqi oo guddoomiyey shir xasaasi ah oo caawa ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---