Dowladda Ingiriiska oo Mashaariic Horumarineed ka hirgalineysa Jubbaland (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa maanta aqalka martida ee magaalada Kismaayo ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster oo booqasho ku tagtay Jubbaland.

Kulanka dhax maray Axmed Madoobe iyo Danjire Kate Foster ayaa lagaga hadlay tageerada dowladda Ingiriiska ee dhinacyada kala duwan gaar ahaan sidii xal waara loogu heli lahaa musiibooyinka soo noqnoqda,

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay nabadgalyada iyo sidii Dowlada Ingiriiska ay u bilaabi lahayd mashariic hormarineed iyo tageero dhinacayada kala duwan ah oo ay ka fulin doonto  deegaano kuyaalla Jubbaland.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa ka codsaday dowladda Ingiriiska in maamulkiisa ka taageerto dhinacyo kala duwan sida wax ka qabashada abaaraha iyo sidoo kale fulinta mashaariicyo horumarineed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -