Kenya oo shaacisay in ay dishay xubno katirsan Al Shabaab hubna kasoo furatay

Wasaarada Difaacada dowlada Kenya war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ciidankooda qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay dileen dagaalyahano katirsan Al Shabaab sidoo kale hub kasoo furteen.

Warka kasoo baxay Wasaarada Difaaca Kenya ayaa lagu sheegay in ciidankooda oo roondo ka waday deegaanka Buulo Xaaji ay weerar kala kulmeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab iskana difaaceen.

Afhayeenka Ciidanka difaaca dalka Kenya Colonel Paul Njuguna, ayaa sheegay in ciidankooda iska difaaceen weerarka Al Shabaab, waxa uuna sheegay in ay dileen sadex dagaalyahan sidoo kale kasoo furteen labo qori oo AK-47 ah.

Milatariga Kenya ayaa sheegay in ay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, mana shaacin Wasaarada Difaaca Kenya weerarkan in uu khasaaro kasoo gaaray ciidankooda.

Ciidamada Kenya ayaa ku sugan qeybo kamid ah gobolada Jubada Hoose iyo Gedo, waxaana ciidanka Kenya marar badan khasaaro kala kulmeen weeraro xoogan oo kaga yimid dhinaca Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -