Madaxtooyada Somalia oo jawaab kulul siisay Xafiiska Qaramada Midoobay UNSOM

Xubno ka mid ah Madaxtooyadda Soomaaliya u jawaabay xafiiska Qaramada Midoobey ee Somalia UNSOM oo maalmahan si joogto ah uga hadlayey xiisada siyaasadeed ee ka taagan Maamulka Koonfur galbeed.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in doorashada Koonfur Galbeed ay u dhacdo hab heshiis, is ogol iyo mas’uuliyad ku jirto, taasoo tusaale fiican u noqon karta hab-socodka doorashooyinka ee Soomaaliya.

Hase ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa muuqata inay si weyn u dhibsatay hadalada baxaya Qaramada Midoobey ee looga hadlayay doorashadda Koonfur Galbeed.

C/saciid Max’ed Cali oo ah la taliyaha dhinaca amniga ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa boggiisa Twitter-ka ku qoray ereyo kooban  oo uu ku sheegay in ay muhiim tahay in Xafiiska Qaramada Midoobey aysan soo faragalin Arrimaha Gudaha Soomaaliya “Ha faragashan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, dhaqanka noocaas ah waa mid aan la soo dhoweyneyn” ayuu yiri la taliyaha.

Madaxweynihii xilka iska casilay ee Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa maalmo ka hor kula kulmay magaalada Baydhabo wakiilka QM ee Somalia Nicholas Heysom isagoo u gudbiyey dacwad ka dhan ah dowlada federaalka oo uu ku eedeeyey iney fara gelin ku heyso doorashada Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -