Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku qabtay Hub iyo kooxo falal amaan daro waday

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa xalay howlgal gaar ah ka fuliyay saddex kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana howlgalkaasi intii uu socday lagu soo qabtay, hub, waxyaabaha maanka dooriya iyo qaar kamid ah rag falal amaan daro ku howlanaa.

Howlgalkan ay fuliyeen ciidamada booliiska ayaa si gaar ah looga sameeyay xaafado katirsan degmooyinka Kaaraan, Hiliwaa iyo Yaqshiid, waxaana degmooyinkan muddooyinkii lasoo dhaafay kusoo badanayay kooxaha dhaca iyo dhibaatooyinka kalaba dadka u geesta.

Ciidamada ayaa inta howlgalka socday soo qabtay hub iyo rasaas lagu qariyay jawaano, waxyaabaha maanka dooriya iyo rag ku eedeesan falal amaan darro, waxa ay sidoo kale ciidamada burburiyeen sandaqado lagu iibinayay waxyaabaha maanka dooriya.

Taliyaha Booliiska qaybta Bari, Gaashaanle Cali Calosoow Xasan (Goof-jooge) ayaa sheegay inta howlgalka socday soo qabteen waxyaabaha maanka dooriya, hub iyo sidoo kale rag falal amaan darro ku howlanaa ay ku jiraan ciyaal weero.

“Howgal wadajir ah ayaa laga sameeyay qaybta Bari ee Gobolka Banaadir waxaana lagu soo qabtay Xashiis, Calaq, Cirbado la isku durayay ee daraagiska ah & Ciyaar weero, Bulshada waxa aan leenahay kasoo jawaaba waxyaabaha caqabadda idinku ah, Amni darrada guriga ayay kasoo billaabataa, howlgalkana mid joogto ah ayuu noqonayaa” Gaashaanle Cali Calasow Xasan.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay sii xumaanayay, waxaana magaalada kusoo batay burcada hubeesan ee dadka dhaca u geesta iyo sidoo kale ciyaalka weerada oo iyana dhibaato ka geesta xaafado katirsan Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -