Amiirka Qatar oo Socdaal lama Filaan ah ku tagay dalka iran (Daawo Sawirada)

Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa maanta safar aan horey loo sii shaacin waxa uu ku tagay magaalada Tehran ee caasimada dalka Iran, xili xiisada u dhaxeysa Iran iyo Mareykanka ay meel xun mareyso.

Wakaalada wararka u faafisa dowlada Qatar ee QNA ayaa shaacisay in Amiirka u tagay dalka Iran si uu kulamo ula qaato Madaxda dalkaasi ugana wada hadlaan xiriirka labada dal iyo arimo kale oo muhiim ah.

Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dalka iran Hassan Rouhani, waxa ayna labada Madaxweyne kawada hadleyn xiriirka labada dal iyo sidoo kale xiisada taagan.

Dowlada Qatar oo xirrir dhaw la leh labada dal ee xiisada xilga ka dhaxeyso Iran iyo Mareykanka , Qatar ayaana dooneysa in xiisada la dejiyo ayna labada dhinac xiisada taagan wadahadal ka galaan.

Dilkii Mareykanka u geesteen Jeneraal Qaasim Sulemani ayaa xoojiyay xiisadii u dhaxeysay Wadamada Mareykanka iyo Iran, waxaana jirta cabsi laga qabo in xiisada taagan dagaal isku bedesho.

- Advertisement -