Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka Galmudug oo aqoonsi degmo siiyey degaan hoos taga Galgaduud (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta Shir guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Galmudug.

Shirka ayaa looga hadlay arrimaha amniga, doorashada ayadoo dhinaca kale warbixin looga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha kuna saabsaneyd Degmeynta Xeraale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Shirka, oo uu kasoo qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka mudane Cali Daahir Ciid, ayaa laga dooday, warbixinta wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, iyadoona ugu danbeyntii cod loo qaaday degmeynta Xeraale ay Goluhu si aqlabiyad leh u ansixiyeen.

Dhinaca kale, Wasaaradda Amniga ayaa golaha u qeybisay nuqulo Xeerka Hubka fudud ah oo ay goluhu soo akhrin doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada sare oo bilowday Dhageysiga Dacwadii Xisbiga Sheekh Shariif usoo Gudbiyeen

Cabdi Cade

Xildhibaan Sabab dad badan la yaabeen shaqadiisa ku waayay iyo Youtube oo..

Cabdi Cade

Cabasho ka timid Mucaaradka madaxweyne Deni oo loo gudbiyay Maxkamadda Dastuuriga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---