James Comey, agaasimihii hore ee dambi baarista Mareykanka FBI ayaa wajahaya baaritaan kadib markii uu Instagram-ka uu soo dhigay sawir muujinaya qolofyo badeed u habeysan tirooyinka “8647”.
Dad badan ayaa u fasiray tan inay tahay fariin qarsoon oo lagu baaqayo dilka Madaxweyne Donald Trump, maadaama “86” ay tahay erayga luqadda Ingiriisiga ee macnaheedu yahay “Ka saar” ama “dil”, halka “47” ay tixraac u tahay Trump oo ah madaxweynaha 47-aad ee Mareykanka.
Comey, ayaa sheegay inuusan ogeyn in tirooyinkaas ay leeyihiin macne xun, wuxuuna si degdeg ah uga saaray sawirka bartiisa. Waaxda Amniga Gudaha (DHS) iyo Adeegga Sirta ah ee Mareykanka (Secret Service) ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan arrintan si loo hubiyo haddii ay jirto khatar dhab ah oo ka dhan ah Madaxweynaha.
Xoghaya Amniga Gudaha ee Maraykanka, Kristi Noem, oo ka falcelineeysa fariinta Agaasimihii hore ee FBI-da ayaa barteeda “X” ku qortay:
“Agaasimihii hore ee ceeboway ee FBI-da, James Comey, wuxuu hadda ku baaqay in la dilo Madaxweyne Trump. Waaxda Amniga Gudaha (DHS) iyo Secret Service waxay baarayaan hanjabaaddan waxayna uga jawaabi doonaan si ku habboon.”
Sidoo kale, Kash patel, Agaasimaha FBI-da ayaa isna bartiisa “X” ku qoray: “Waxaan ognahay qoraalka barta bulshada lagu baahiyey ee uu sameeyey Agaasimihii hore ee FBI-da, James Comey, oo ku wajahan Madaxweyne Trump. Waxaan xiriir la leenahay Hay’adda Ilaalada Madaxtooyada (Secret Service) iyo Agaasime Curran. Mas’uuliyadda ugu weyn ee arrintan waxay saaran tahay Secret Service, annagana FBI ahaan, waan siin doonaa dhammaan taageerada lagama maarmaanka ah.”
Ugu dambeeyn, arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Madaxweyne Trump uu horay uga badbaaday laba isku day oo dil ahaa sanadkii 2024, taasoo sare u qaaday feejignaanta la xiriirta ammaankiisa.