Xildhibaanad ka tirsan BF oo sheegtay in Somaliland ay tahay dal madax banaan

Xildhibaan Gobsan Muxumad oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegtay in Somaliland ay tahay dal madax-banaan

”Somaliland waa dal madaxbanaan oo gooni u istaagay ilaa inta laxalinayo waxa ay tabanaayaan waa in meeshooda lagu ixtiraamo”ayey tiri Xildhibaan Gobsan Muxumad.

Hadalkan ayaa meel ka dhac ku ah midnimada iyo wadajirka Somalia oo xildhibaan Gobsan ay u dhaaratay iney ilaalineyso

Waxay sheegtay in tallaabadii ay qaaday Kenya shalay ee aheyd in kulankii Uhuru Kenyatta kasoo wada muuqdaan calanka Soomaaliya iyo Somaliland ay tahay mid mid iska horkeen ah.

“Kenya waxaan leenahay ma mudna in dad walaalo ah cuqdad laga beero, kii yimid iyo kii carooday midna eedeyn uma jeedinayo, waxaan eedeyn u jeedinaya dowladda Kenya. Arrimaha Soomaaliya ee xalka u baahan anaga ayaa halkan u joogna oo ka shaqeynayna” ayey tiri Xildhibaan Gobsan.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa isaga baxay shir ay madaxtooyada Kenya isugu yeertay safiirada uu fadhigooda yahay dalka Kenya ka dib markii uu kulankaasi ku arkay masuuliyiin matalayay Somaliland.

Danjire Tarsan ayaa la sheeegay in markii uu goobta shirka tagay uu ku arkay calanka Somaliland iyo dad matalayay Somaliland taasi oo uu si weyn uga carooday, waxaana la sheegay inuu dalbaday in wax laga bedelo, kadibna danjiraha shirka ayuu kasoo baxay markii dalabkiisa uu socon waayay.

- Advertisement -