Dagaal Khasaare geystay oo ka dhacay degmada Afgooye & Wararkii ugu dambeeyey

Iska horimaad culus ayaa caawa maqribkii ka dhacay bartamaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kaasoo dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowlada federaalka Somalia.

Dagaalkan oo hub kala duwan la isku adeegsaday ayaa saameyn ku yeeshay ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka ee gudaha degmadaas oo khal khal iyo kala carar badan uu ka jiray.

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidamada dagaalamay ayaa ku naf waayey, halka 9 qof oo isugu jiray askar iyo dad shacab ah ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo qaarkood loola soo cararay Isbitaalada Muqdisho.

Lama oga illaa hadda sababta ka dambeysa dagaalkan khasaaraha badan geystay, maamulka degmada Afgooye ayaana illaa hadda ka hadlinm iyadoo wararkii ugu dambeeyey ee caawa naga soo gaaraya degmadaas ay sheegayaan in xaaladu degan tahay.

Iska horimaadyada dhexmara ciidamo iska horjeeda oo ka tirsan dowlada ayaa maalmahan ku soo badanayey magaalada Muqdisho iyo degaanada ku dhow, kuwaasoo khasaarooyin kala duwan ay ka soo gaareen askar iyo shacab aan waxba galabsan intaba.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -