War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya, ayaa looga hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay afaafka hore xerada ciidamada Damaayo.
”Saakay abaare 09:20am waxaa afaafka hore ee xerada Ciidanka ee Damaayo ka dhacay qarax uu fuliyay qof nafti halige ah, Ciidanku waxa ay ka hortageen in dhagar qabuhu gaaro yoolkiisa ahaa in uu khasaaro xooggan gaarsiiyo shacabka” ayaa lagu yiri warka dowladda soo saartay.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hay’adaha Amniga ay ku howlan yihiin xaqiijinta khasaaraha ka dhashay qaraxa ismiidaaminta ah , kaa oo lala beegsaday dhallinyaro safaf ugu jiray in ay ku biiraan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.