Soomaali 28 jir ah oo loo doortay duqa Magaalada Sheffield ee dalka Britain (Daawo Sawirro)

Nin Soomaali ah balse heysta dhalashada dalka Britain ayaa loo magacaabay Maayorka magaalada Sheffield.

Magid Magid oo horey u soo noqday qaxooti, ayaa noqonaya qofkii Soomaali ah ee u horeeyay ee magaaladaas Mayor ama duq magaalo ka noqda waana 28 jir waxaana uu noqonayaa Mayorkii ugu yaraa ee magaaladaasi.

Isagoo shan sano jir ah ayaa la keenay magaalada Sheffield ka dib 6 bilood oo  isaga, walaalihii iyo Hooyadii ay kujireen xero qaxooti oo Itoobiya ku taala ka dib markii ay a soo carareen dagaaladii ahliga ahaa ee Somalia ka dhacay.

waxaana uu sheegay inuu rajeynayo inuu isbedel wanaagsan sameeyo isagoo u mahadceliyay dadkii doorka weyn ka qaatay isasoo sharixidiisa isla markaana soo garab istaagay.

Dhallinyaro Somaliyed oo dalka ka cararay mudadii burburka ayaa xilal muhiim ah ka qabtay dalalkii ay magangelyada ka heleen ka dib dedaal badan oo ay muujiyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -