Allbanaadir.com
NEWS

Nin lacag abaalmarin ah ku helay Shabaab uu dilay oo isna maanta la dilay

Waxaa maanta dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa Macawuusleyda gobolka Hiiraan, uu ka dhacay xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.

Dagaalka ayaa wararku sheegayaan in uu ka dhacay inta u dhaxeysa Moqoykori iyo Aadan Yabaal, waxa ayna ciidanka huwanta ah weerar xooggan ku qaadeen goobo ay joogeen xubno katirsan kooxda Al Shabaab.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka dhax maray ciidanka huwanta ah iyo kuwa Al Shabaab, ayaa waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo kala gaaray.

Xubnaha maanta ku dhintay dagaalka waxaa kamid ah Cabdi Gooney oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka Macawuusleyda, waxa uuna ninkan kamid ahaa xubnihii kusoo caan baxay dagaalladii Al Shabaab casharrada loogu dhigay ee ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Cabdi Gooney ayaa lacag iyo abaalmarinno kale lagu siiyay xubno katirsanaa kooxda Al Shabaab uu soo dilay kana soo furtay hub iyo gaadiid ay wateen, waxa Gooney xilligaasi si weyn u qabsaday magaciisa warbaahibta iyo baraha bulshada.

Kooxda Al Shabaab ayaa marar badan raadisay fursado ay ku disho Cabdi Goomey oo xubno iyaga kamid ahaa dilay, hasa ahaatee sargaalkan maanta ayuu dhintay isaga oo dagaal kula jiray Al Shabaab.

Related posts

Nin doonaya inuu dhisto guri qurux badan oo u eg Markabka Titanic (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxda dalalka Carabta qaarkood oo fariimo u soo diray Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali

Weerarkii Xuutiyinta ee Tel aviv oo su’aalo ka dhaliyey Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---