Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la tashi la yeeshay dad baahiyo gaar ah qaba (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane, Hamza Abdi Barre ayaa maanta la kulmay qaar kamid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah, kulanka ayaa daba socday, kulamaddii uu maalmahaan la lahaa bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhageystay tallooyinka ay soo jeediyeen dadka qaba baahiyaha gaarka ah iyo arrimaha ay u baahan yihiin in dowladdu ay gacan ka siiso.

Dhankooda, dadka qaba baahiyaha gaarka ah, ayaa soo bandhigay arrimaha ay u baahan yihiin in wax looga qabto, iyagoo uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha mudnaanta uu siinayo dhageysiga bulshada qeybaheeda nugul.

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa maalmahan wada wadatashiyo uu la yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada ,kuwaa uu kala tashanayay dhismaha xukuumada cusub ee lagu wado in dhawwaan soo dhiso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -