Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu dhawaan u safro magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq
Waxaa uu halkaas kaga qeyb galayaa shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo furmi doona bilowga todobaadka soo socda.
Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa gaaray dalka Ciraaq, isaga oo halkaas uga qeyb galaya Shirka heer Wasiir ee Jaamacadda Carabta ee loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka Carbeed.
Shirka ayaa la qorsheeyey in uu furma May 17-2025 oo ku aadan maalinta sabtida, waxaana la faliyaa in ay isugu yimaadaan dhammaan madaxda dalalka Jaamacadda Carabta, oo la filayo in ay ka wada hadlaan arrimo xasaasi oo qeyb ka ah xaaladda Qasa.
Xasan Shiikh ayaa la filayaa inuu shirkaas ka jeediyo khudbad oo kaga hadlayo xaaladihii ugu dambeeyey ee Somalia, horumarka ay ku talaabsatay dowladiisa mudadii ay jirtay gaar ahaan, amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, isagoo sidoo kale ka hadli doona arrimaha dalalka carabta.