Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumadda Soomaaliya oo xoojisay Baaqii kasoo baxay xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu taageeray baaqii dhawwaan kasoo baxay xiriirka kubadda cagta adduunka FIFA ee ku aadanaa in aan la qaban karin doorasho hal dhinac ah.

Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa sheegtay in iyaga iyo FIFA aya isla qireen halista ka imaan karta doorasho aan la isku raacsanayn oo hal dhinac qabsado iyo sida ay u xagal daacin karta xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Halkan ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda ciyaaraha

Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha XFS waxay xoojinaysaa baaqii ay soo saartay 11/ 12/2022 iyo midkii ka soo baxay xiriirka kubadda cagta adduunka FIFA ee ku saabsanaa inaan la aqbalaynin doorasho hal dhinac ah oo kala qaybinaysa xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Shir fogaan arag ah oo ay yeesheen wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayay isla qireen halista ka imaan karta doorasho aan la isku raacsanayn oo hal dhinac qabsado iyo sida ay u xagal daacin karta xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha oo u xilsaaran ilaalinta mabaad’ida asaasiga ah ee midnimada Sports-ka dalka iyo kor joogtaynta doorashada ay qabsanayaan xiriirrada kala duwan ayaa ku dadaali in doorasho lagu wada qanacsanyahay la qabto.
Bahda Sports-ka Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadda kala jooga ayaa soo dhoweeyay bayaankii wasaaradda ka soo baxay todobaadkii hore .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay tahay digniinta Masar ka bixisay weerarka ciidamada Israel ku galeen Rafah?

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo ka laabtay Xil ka qaadis uu ku sameeyay Gudoomiye Degmo! (Ogow Sababta)

admin

DF oo sheegtay iney kalsoonidii kala noqotay ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM

Caydiid Ali
Taboola Ads ---