Hogaamiye Kim Jong Un oo booqasho Taariikhi ah ku tagaya dal Yurub katirsan

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa la  xaqiijiyay in booqashadii ugu horeesay uu ku tagayo dalka Ruushka , si halkaasi kulan gaar ah ula qaato Madaxweynaha dalkaasi Vladamir Putin.

Warbaahinta dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa xaqiijisay Madaxweyne Kim Jong Un uu safar ku aadayo dalka Ruushka , Warbaahinta ayaana xaqiijin xiliga rasmiga ah uu Madaxweynaha safrayo.

Aqalka looga arrimiyo dowlada Ruushka ee Kremlin ayaa xaqiijiyay in ay kulmayaan labada hogaamiye ee Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka, waxaana Aqalka sheegay in uu socdo qaban qaabada kulanka labada hogaamiye.

Dowladaha Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka ayaa lahaa xiriir hore oo soo jireen ah, waxa ayna labada hogaamiye hada qorsheesanayaan in lasii xoojiyo xiriirkii horey uga dhaxeeyay labada wadan .

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa horey kulamo aysan kasoo bixin natiijooyin wax ku ool ah la yeeshay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, waxaana Hogaamiyaha mayalka adag ee Kuuriyada Waqooyi hada doonayaa in uu isbadal cusub sameeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -