Waxaan soo dhoweynayaa Xisbiga Cusub ee Cadaaladda iyo Wadajirka, waana raadraac wanaagsan oo loo qaaday dhanka Dimoqaradiyada, waana xisbi mudan in laga qaato tusmo iyo tusaale ku dayasho mudan.
Waxaana sidoo kale la rajeynayaa in mucaaradka ay iyaguna dhistaan xisbi ay afkaartiisu ku mideysan yihiin intii ay diidmo kala hor imaan lahayeen xisbi ay ku midoobeen siyaasiyeen dano iyo talo wadaaga.
Xisbi walba bilowgiisu waa dhib, waxaana la soo dersa ismaandhaafyo dhaqaale, bulsho, iyo kuwo siyaasadeed oo intooda badan salka ku haya daneysi gaar ahaneed iyo awood kala riixasho shaqsiyadeed.
Waxaan u rajeynayaa xisbigaas cusub inuu ku guuleysto hadafkiisa, waxaana Ilaah uga baryayaa inuu gudbiyo imtixaan horyaala xisbiga oo waxqabsdkiisa siyaasadeed ay saameyn weyn ku leedahay qeybsanaanta bulshooyinka Soomaaliyeed oo aad u kala foogaadey.
Tijaabada ugu weyn ee uu marayo xisbi curdana waa xakameynta hawlwadeenadeeda sidii la isugu hayn lahaa oo ay si wadajira u wada shaqeyn lahayeen, waana imtixaankaas midka bilaya xisbiga ama duminaya, maadaama wadajirku yahay astaanta xisbiga.
Guul ayaan u rajeynayaa dhamaan xisbiyada siyaasadeed oo u jiheystey ka qeybgalka doorashooyinka dadweynaha oo salka ku haya doorasho qof iyo cod ah.
Waxaa xusid mudan in la fahmo in madaxweyne uusan noqon karin gudoomiye Xisbi, balse ay u faran tahay inuu noqdo musharaxa xisbiga, marka uu guuleystana uu si toosa u noqon karo President xisbiga. Dhismaha xisbiga wuxuu shaqsiga ugu darajada weyn ama ugu sharafta badan waxey ku sharfaan xilka president xisbiga, kaas oo ah xil sharfeed maqaarsaara.
Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)