Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Saraakiishii Milatariga ee maanta qaraxa lagu dilay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Taliyihii, Abaanduulihii iyo askar ka tirsan Qaybta 12-ka Abriil ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwaas oo ay miino dhulka lagu aasay kula qaraxday meel u dhaw deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka shahiideen Taliyihii Qaybta 12-ka Abriil Marxuum Janaraal Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere), Abaanduulihiisii Marxuum Janaraal Cabdi Cali Jamaame iyo geesiyaashii kale ee la shahiidey.”

“Labada Janan iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen soo celinta nabadgelyada dalkooda, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa kooxaha argagixisada ah.

“Waddaniyiintan naftood-hurayaasha ah waxaa lagu xasuusan doonaa kaalintii ay ka geysteen xoreynta deegaanno badan oo hoos yimaadda Gobolka Shabeellaha Hoose.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labada Janan iyo askartii kaleba Eebbe uga baryay in uu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo ehelladii ay ka tageenna uu sabir iyo iimaan ka siiyo

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir taliyaal ciidan ku yeesheen Muqdisho oo 7 qodob laga soo saaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo labo qodob ka dalbaday Xildhibaanada Jubbaland ku metela DF (Sawiro)

Caydiid Ali

Maxaabiis ka baxsatay xabsiga ugu adag Kenya oo lacag la dul dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---