Axmed Madoobe oo labo qodob ka dalbaday Xildhibaanada Jubbaland ku metela DF (Sawiro)

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay, Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee laga soo doorto Jubaland.

Kulankan oo ahaa Qado sharaf uu Madaxweynahu u sameeyay Xildhibaanada, ayaa lagaga hadlayay Xaalada dalka, iyadoo sidoo kale Madaxweynaha uu Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Jubaland.

Waxaa uu sheegay in Xildhibaanadu ka welwelayaan sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen kuraastooda, balse taas ay ka muhiimsan tahay inay dalka u turaan oo danahooda gaarka ah aysan wax kasta ka hor-marin.

Axmed Madoobe ayaa ka dalbaday Xildhibaanada Jubbaland ka soo jeeda arrimo ay ka mid yihiin iney ansixiyaan RW cusub ee la magacaabay iyo heshiiska ay doorashada dalka ka gaareen DF iyo dowlad goboleedyada

Xildhibaanada ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay sida uu wakhtigiisa ugu huray in xal laga gaaro jihada ay Soomaaliya uga gudbayso wakhtigan adag.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -