Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maxaabiis ka baxsatay xabsiga ugu adag Kenya oo lacag la dul dhigay (Sawirro)

Ciidanka Booliska Kenya ayaa baadigoobaya 3 maxbuus oo ku eedaysnaa argagixisanimo oo ka baxsaday xabsiga Kamiti Maximum oo lagu tilmaamo xabsiga ugu adag dalkan Kenya oo si weyn loo ilaaliyo

Hay’adda dambi baarista Kenya ayaa daabacday sawirrada saddexdan qof, waxayna ku yaboohday lacag dhan 550,000 oo doollarka Mareykanka ah, taasoo abaalmarin ahaan loo siin doono ciddii keenta xog sahlaysa in lasoo qabto.

Waxaa la sheegay in xalay 1-dii habeenimo ay baxsadeen inkastoo aan faahfaahin laga bixin qaabka ay u baxsadeen.

Maxamed Cali Abiikar oo ka mid ah dadka baxsadka ah ayaa lagu helay danbi ah inuu ku lug lahaa weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee sanadkii 2015-kii oo ay ku dhinteen 148 qof. Waxaana lagu xukumay 41 sano.

Waxaa kale oo ka mid ah Musharraf Abdalla, oo ay booliisku sheegeen in la xiray sannadkii 2012-kii, kaddib markii uu fashilmay isku day la doonayay in lagu bar-weeraro xarumaha baarlamaanka Kenya.

Ninka saddexaad waa Joseph Juma Odhiambo oo loo yaqaan Yuusuf oo laga soo qabtay xuduudda Soomaaliya ee Beled xaawo. Booliska ayaa sheegay inuu doonayay inuu ku biiro kooxda Al Shabaab ee dalka Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in guurka Gabadha Jareerweyne uu ka qarash badan yahay guurka kale?

Caydiid Ali

Dowlada oo ka hadashay dab saakay ka kacay garoonka Aadan Cadde

Cabdi Cade

(Sawirro) Muxuu yahay hindise sharciga ay ansixiyeen Xubnaha Golaha shacabka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---