Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir oo kulan la yeeshay mas’uuliyiinta maamulka ayaa magacaabay Guddiga gurmadka deg deggga ah ee maamulka gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha markii uu arkay xaaladda deg degga ah ee ka jirta Muqdisho, markii uu arkay dhibaatooyinka uu sababay roobabkii ka da’ay caasimadda, markii uu arkay in lagama maarmaan ay tahay in la magacaabo Guddi gurmad deg deg ah ee wax ka qabashada iyo u diyaargarowga roobabka lixaadka leh ee la filayo in ay ka da’aan magaalada Muqdisho.
Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 11/5/2025, wuxuu magacaabay guddiga gurmadka deg degga ah oo ka shaqeynaya saameyntii iyo waxyeeladii uu geystay roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho ee naf iyo maalba lahaa iyo bur burka waddooyinka iyo sidoo kale, u diyaargarowga maareynta roobabka la filayo in uu ka da’o magaalada.
Xubnaha guddiga la magacaabay ayaa kala ah:-
1. Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Maamulka gobolka Banaadir oo ah guddoomiyaha guddiga.
Sidoo kale, guddiga waxaa xubin ka ah Agaasimaha Guud ee xafiiska Duqa Muqdisho iyo agaasimaha guud ee Howlaha Guud, Agaasimaha Guud ee arrimaha Bulshada iyo Waxyigelinta, Agaasimaha Guud ee Nadaafadda iyo Bilic soo celinta, Agaasimaha Waaxda xiriirka degmooyinka gobolka Banaadir, Agaasimaha Waaxda Jidadka iyo Bulaacadaha iyo Agaasimaha Waaxda caafimaadka ee Dowladda Hoose ee Xamar, Afhayeenka gobolka Banaadir iyo lataliyaha gobolka Banaadir ee arrimaha Teknaloojiyadda.