Allbanaadir.com
NEWS

Goobo lagu isticmaalo Maandooriyaha oo kuyaallay Muqdisho oo la xiray iyo Digniin lasoo saaray

Ciidanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa ilaalinta deegaanka Xamar ayaa xoojiyay howlgallada ka dhanka ah goobaha maqaayadaha iyo hoteelada xilliyada habeenkii lagu isticmaalo waxyaabaha maanka-dooriya sida xashiishka iyo shiishada.

Taliyaha howlgelinta ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar Sharma’arke Caddow Tuur-Yare  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka xireen goobo wiilasha iyo gabdhaha ku isticmaali jireen maanka-dooriya oo kuyaalla Muqdisho.

Waxa uu sheegay taliyaha in goob ay u heesteen in ay tahay maqaayad caadi ah ugu tageen arrin aad uga naxeen, waxa uuna xusay in goobtaasi ay dhallinyarada isugu tagi jireen kuna isticmaali jireen waxyaabaha maanka-dooriya.

Maqaayadan oo kutaalla agagaarka KM-4 ayaa la sheegay in ay tagi jireen inta badan dhallinyaro u badan shaqaalaha dowladda ay ku jiraan saraakiil, kuwaa oo gabdha inta meesha geesta ku isticmaali jiray waxyaabaha maanka-dooriya.

Taliyaha ayaana sheegay in hadda waxii ka dambeeya caasimadda mamnuuc ka tahay in lagu isticmaalo maan-dooriye, waxa uuna bulshada caasimadda ka codsaday in ciidanka kala shaqeeyaan kahor tagida dhaqan-xumada iyo isticmaalka maan-dooriyaha.

Ugu Dambeyn taliyaha ayaa ugu baaqay waalidiinta Muqdisho in ay la socdaan dhaw dhaqaaqa carruurtoda gaar ahaan gabdhaha, waxa uuna sheegay dadka inta badan isticmaala waxyaabaha maanka-dooriya yihiin dhallinyaro yar yar oo qaarkood la qadlay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dowlada Somalia oo ka carootay warbixin ka soo baxday guddi ka tirsan Midowga Afrika

Caydiid Ali

Iska horimaad ka dhacay xaafad ka tirsan Muqdisho iyo khasaare ka dhashay

Caydiid Ali

Maxaa kala Gudboon Madaxweyne Farmaajo Khilaafka ka dhax aloosan golaha Shacabka 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---